4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2018
Tartankii Quraanka ee Imaam al Shatibi ee Minneapolis ka socday oola soo gabagabeeyey Sawiro.

Isniin Luuliyo 16 2018 (HOL)Tartankii Quraanka Kariimka ee Imam Shatiba ee ka socday Masjidka Karmel ayaa la soo gabagabeeyey tartankaan oo soo bilowday bishaan July 7 mar kay aheed ,waxaana ka qaybgalay in ka badan 350 Arday oo kula tartamaayey  1 Juz ,5 Juz ,10 Juz ,15 Juz iyo quraanka oo dhan ,ardayda ku tartamaysay Quraanka Kariinka ayaa kala yimi goboladda kala duwan ee dalkaan Maraykanka,mana ahayn mid ay ka soo qaybgaleen Somali kaliya waxaana ka mid ahaa  arday kale oo ka soo jeeday dalalka carabta & Bakistaan.

Tartankaan Imaam Shatiba ee lagu qabto Masjidka Karmel sanadkaan waa kii 4aad ee la qabtay ,waxaana sanadkaan 30 juz ku guulaystay Omar Mohamed Shariif oo ka yimi gobolka Tennessee Masjidka Al Faruuq  ,iyadoo waliba kaalimaha 2aad iyo 3aad na sanadkaan ay heleen isla arday ka timi magaaladaas oo kala ah Cadnaan Busuri Maye & Cabdiqani Mustafe Maye ,waxayna dhamaantood helayaan abaalmarino lacageed ooka bilowda 10 Kun oo dollar iyo abaalmarin kale oo ah Cumro ay tagayaan Sanadkaan.

Sanadkaan waxaa lagu soo kordhiyey tartanka qayb kale oo ah Cod wanaaga ama Sowdka sida quraanka loogu akhrinayo waxaana sanadkaan kaalinta kowaad gashay gabadha lagu magacaabo farxiya Aadan Shiikh, halka  kaalinta 2aad uu mar kale galay Cadnaan Busuri Maye, Kaalinta 3aad na waxaa galay Anas Burhaan Max’ed oo walaalkii sanadkaan ku soo guulaystay tartankii quraanka ee imaaraadka ka dhacay.

Hiiraan online waxay halkaan uga hanbalyeeynaysaa Ardayda ku guulaystay kaalimaha kala duwan ee tartanka & maamulka Masaajidka Karmel hawsha  baaxada leh ee uu qabtay ardayda muslimiinta ah.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Siyad S. Salah