3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Wasaaradaha kalluumeysiga dowlad goboleedyada oo uu shir uga furmay Kismaayo
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen wasiirada wasaaradaha dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa daahfuray ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan.

Wasiirada heer dowlad goboleed ee wasaaradaha Kalluumeysiga ee shirka kasoo qeybgalay ayaa sheegay in shirkoodu ku saabsanyahay sidii la isu kaashan lahaa islamarkaana looga faa’iideeysan lahaa kheyraadka badda.

Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda dhexe qeyb kama ahayn shirka, mana jirin wakiillo matalayay dowladda oo shirka goobjoog ka ahaa.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda dowlad goboleedka Jubbaland oo martigelisay shirka Mudane Ibraahim Xasan Cabdi (Baajuun) ayaa  warbaahinta u sheegay in shirkoodani yahay mid la doonayo in iskaashi dhab ah uu ku dhexmaro wasaaradaha kalluumeysiga heer dowlad goboleed, isagoo xusay in khayraadka badaheenna aan hadda laga faa’iideeysan.

Waxa uu xusay in shirkani uu yahay mid ay si gaar ah isugu arkayaan wasaaradaha kalluumeysiga dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in shirku qaadan doono mudo laba maalmood ah.

Ma cadda sababta ay shirkan uga soo qeybgali weeysay wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee dowladda dhexe, haseyeeshee mudooyinkii u danbeeyay waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay wasaaradaha kalluumeysiga heer federal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo hore ay qaar kamid ah wasaaraduhu walaac uga muujiyeen hannaanka bixinta shatiyada kalluumeysi ee wasaaradda kalluumeysiga dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
7/15/2018 3:53 PM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa tagay dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga bilaabatay booqasho labo maalin ah, waxaana Aqalka Madaxtooyada Kenya ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

7/15/2018 1:16 PM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Waxaa goor dhaw soo dhamaatay cayaar aad u weyn oo siweyn isha loogu wadda hayay lugtii ugu danbeysa tartanka cayaaraha Kubadda Cagta Aduunka.

7/15/2018 10:34 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Taliyaha qeybta 43aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cali Maxamed Max’uud Bogmadoobe ayaa kormeer ku tagay xeryaha ciidamada xoogga dalka ee degmada Garbahaareey gobolka Gedo.

7/15/2018 8:33 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ku dileen dulleedka degmada Nin la sheegay in uu horay uga tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya.

7/15/2018 7:09 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Xaafaddan oo ay ku noolyihiin 1,100 qoys oo isugu jira qoysaskii kasoo laabtay Dhadhaab iyo qaar kamid ah dadka kusoobarakacay Kismaayo ayaa maanta la geeyay ilaa 60 xabo oo nalalka nooca ku shaqeeya cadceedda ah, kuwaa oo laga hirgelin doono xaafaddaasi.

7/15/2018 5:12 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Caruush Diiroow oo magaalada Garoowe kulan kula qaatay mas’uuliyiinta maamul gobolledka Puntland gaar ahaan madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.

7/15/2018 1:59 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Ra'isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ciidamada Israel weerarkii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii sanadkii 2014-tii ku qaadeen goobo ay mitidiintu ku leeyihiin marinka Qasa.

7/15/2018 1:13 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

7/15/2018 1:01 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Jilib ayaa sheegaya in Al-shabaab meel –fagaro ah ku toogteen Labo ruux oo dhalinarro ah kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay horay u dileen Nin reer Miyi ahaa.

7/15/2018 12:47 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)–Dowladdaha Caalamka iyo Ururro Caalami ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

7/15/2018 12:37 AM EST
Axad, July, 15, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay weerarkii iyo Qaraxyadii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.