4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Nalal ku shaqeeya cadceedda oo la geeyay xaafadda la dejiyay qoysaska kasoo laabtay Dhadhaba ee Kismaayo


Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Midnimo oo ah xaafad ay ku noolyihiin 1,100 qoys oo isugu jira qoysaskii kasoo laabtay Dhadhaab iyo qaar kamid ah dadka kusoo barakacay Kismaayo ayaa maanta la geeyay ilaa 60 xabo oo nalalka nooca ku shaqeeya cadceedda ah, kuwaa oo laga hirgelin doono xaafaddaasi.

Midnimo oo ku taal duleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa ah xaafad dhawaan la degay, ayadoo hirgelinta xaafaddan ay iska kaashadeen dowlad goboleedka Jubbaland iyo hay’adda qaxootiga qaabilsan ee Qaramada Midoobay.

Xaafaddan ayaa waxaa hore uga jiray mugdi, ayadoo aysan gaarin adeegyada korontada ee laga isticmaalo Kismaayo maadaama ay ka fogtahay magaalada.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf Timijilic ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid baahidiisa ay usoo gudbiyeen dadka deegaanka, maanta laga hirgelinayo xaafaddaasi.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda macdanta, tamarta iyo biyaha Jubbaland Mudane C/rashiid Max’ed Ducaale ayaa sheegay in Mashruucan ay Jubbaland ka caawisay dowladda Jarmalka oo kaalmada soo marisay hay’adda GIZ, isagoo intaa ku daray in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic wax loogu qabanayo dadka degan xaafaddaasi oo u qorsheysnaa dowladda.

Inkastoo nalalka cadceedda ku shaqeeya laga hirgeliyay xaafaddaas ayaa hadana waxaa weli halkaasi ka taagan baahiyo ka jira halkaasi oo ay kamid yihiin adeegyada caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada oo ay dadka deegaanku sheegeen in aysan ka jirin xaafaddaasi, iyagoo codsaday in wax laga qabto arimahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.