4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Hirshabeelle iyo Puntland oo ka wada hadlay sii deynta dhalinyaro ku xir xiran deegaannada Puntland

 

Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Caruush Diiroow oo magaalada Garoowe kulan kula qaatay mas’uuliyiinta maamul gobolledka Puntland gaar ahaan madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.

Agaasimaha ayaa sheegay in madaxweynaha iyo guud ahaanba mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Puntland ka wad hadleen xiriirka labada maamul iyo kan gobolka Hiiraan, isaga oo intaa ku darray n si gaar ah ay uga wad hadlleen sii deynta dhalinyaro soo jeeda gobolka Hiiraan oo ku xir xiran qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.

‘’Waxaan ka wada hadalnay mas’uuliyiinta Puntland sidii loo sii deyn lahaa dhalinyaro ku xir xiran qeybo ka mid ah Puntland, kuwaa oo qaarkood xiray shil dhacay halka kuwa kalana u xiran yihiin gadiid ay la socdeen oo Qaraxyo lagu soo raray’’ ayuu yiri agaasimaha.

 

Sii deynta dhalinyaradan ayuu sheegay in ay isku afgarteen mas’uuliyiinta dowlad gobolleedka Puntland, islamarkaana hadda meel wanaagsan wax u marayaan.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Puntland ay gaarsiiyeen mahad celin uga timid Jaaliyada Hirshabeelle ee ku dhaqan sida uu hadalka u dhigay Waqooyiga Ameerica kuwaa uga mahad celiyay maamulka iyo shacabka reer Puntland sidii ay isku garab taageen dadka ku magaalada Beledweyne waqtiyadii adkaan fatahaadu ku dhufatay, iyaga oo noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee ka jawaabay sidii loo gargaari lahaa dadkii ku barakacay daadadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]