4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Koonfur Galbeed oo sheegtay in Al-shabaab ay ka soo furteen 10 ruux oo ay horay u afduubeen

 

Axad, July, 15, 2018 (HOL) – Saraakiisha Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Shiine Macalin Nuuriyoow oo ah taliyaha Booliiska degmada Diinsoor ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaan 75km u jirta degmada Diinsoor ay ku soo furteen 10 ruux oo u xirnaa Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood  ku xukumeen in ay bixiyaan lacag ama qori AK47 sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in howlgallada ay noqon doonaan kuwa si joogto ah ay u fuliyeen ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay maamulayaan,waxa uuna ugi baaqay ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgalka sii laba jibaaraan.

Al-shabaab ayaa wali ku xoogan deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay go’doomin ku hayaan isku socodka deegaannno dhowr ah oo ay maamusho dowladda Soomaaliya kana tirsan gobollada Baay iyo Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]