Faah faahin ku saabsan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Faah faahinno
dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo maataanno ah oo kuwaa oo durnimadii
maaanta ka dhacay Agagaarka SYL gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Beerta
Nabada.
Wariyayaal tagay goobta ayaa Hiiraan Online u
sheegay in ay arkeen meydadka rag ku labisnaa dareyska ciidamada laakiin loo
maleynayo in ay ahaayeen dabley Qaraxyada kaddib iska horimaad uu dhaxmaray
ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu yaraan Lix ruux oo ay ku jiraan Dableydii weerarka geystay ayaa ku dhintay Qaraxyadan sida laga soo xigtay goob joogayaal.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa yaala
Barkoontarool oo laga ilaaliyo amaanka madaxtooyada Soomaaliya, waxaan labada
Qarax kaddib la maqlay rasaas xooggan oo u muuqatay in ay is weydaarsadeen
ciidamada dowladda iyo dableydii weerarka soo qaaday.
Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay wali warbaahinta la hadlin, waxaana
lagu waddaa in goordhow ay goobta yimaadaam Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda
Soomaaliya.
Qaraxan ayaa imanaya Labo cisho uun kaddib markii
uu weerar ku bilaawday Qaraxyo sidan oo kale lagu bartilmaameedsaday Isgoyska
Siyadka gaar ahaan xaruta Wasaarraddaha arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay gudaha
u galleen rag hubeysan waxaa weerarkaa ku dhintay ku dhawaad 17 ruux oo ay ka
mid ahaayeen shaqaalle dowladeed.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]