4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddoomiyayaal Maxkammadeed

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka .

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaannuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhib-laawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]