4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Malta oo loo diiday in ay muhaajiriin ku xirtaan

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Doon sida ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran tahay xeebaha dalka Talyaaniga sidda ay shaaciyeen hay’addaha u dooda xuquuqda Muhaajiriinta.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin muhaajiriintaasi oo badankooda ka soo jeedda Qaaradda Afrika laakiin ay haboon tahay in dowladda Malta ay qaadato Mas’uuliyiinta dadkaasi.

Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in doonni kalluumaysi oo loox ka samaysan oo ay saaran yihiin 450 ay doonayso in ay ku xirato jasiiradda Lampedusa.

Waxay sheegtay in doonidaasi ay haatan ku jirto badda Talyaaniga Maltana ay waajibaadkii ka saarnaa gudatay.

Dowladda Talyaaniga waxaa ay sheegtay in doonidaas aan loo ogolaan doonin in ay ku xirato dekadaha Talyaaniga.

Muran xooggan ayaa ka taagan Cidda qaabili doonta Qaxootigaasi oo hadda ku jira Xaalad adag , Maadaama Muddo badan ay badda ku jireen sidda ay sheegtay Hay’adda laga leeyahay Jarmalka.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga ee siyaasadihiisu midigta fog yihiin, Matteo Salvini, ayaa ku adkaysanaya in muhaajiriintaasi ay ka ka degaan dekadaha Malta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]