4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Madaxweynaha Kenya oo isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada isaga oo dhinaca kalana magacaabay Safiiro dhowr ah.

Isku-shaandheyntan waxaa xilka ku waayay Wasiirkii Ganacsiga dalkaasi Kenya Aadan Maxamed, iyadoo xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga loo magacaabay Peter Munye.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka mid ah marka la eego dalka Kenya Wasaaraddaha ugu muhiimsan, waayadii ugu danbeeyayna waxaa jiray eedeymo musuq-maasuq oo hareeyay wasaaaradda.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale waxa uu magacaabay sagaal safiir kuwaasoo labo ka mid ah loo magacaabay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka.

Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay ayaa sheegtay in go’aanka isku shaandheynta ay tahay mid dib loogu habeynayo dowlada Kenya si loo dadajiyo in la gaaro hadafka xukuumada Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]