4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dhinacyada Galmudug isku khilaafsanaa

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

War saxaafadeed la soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Madaxda Galmudug.

“Kaddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]