4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Nin Oday ah oo goor dhaw lagu dilay dulleedka Muqdisho

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Warar goor dhaw naga soo gaaray dulleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen Sheekh Cabdullaahi Maxamed Roobe oo da’diisa lagu sheegay 85 sano jir.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag watayMootada loo yaqaano VIKON in ay gaari NOAH ah oo uu watay Sheekh C/llaahi ku hor jareen kadib-na ay ku rasaaseeyeen.

Gaaariga ayaa la sheegay in ay la saarnaayeen Sheekha dad ay ehel yihiin, kuwaa oo la sheegay in aysan wax khasaare ah kala kulmay weerarka lagu dilay marxuumka.

Ragga toogashada geystay oo aan la garan ayaa goobta ka baxsaday, lamaha oga sababta keentay toogashada Waddaadkan.

Ciidamada dowladda ayaa tagay goobta waxayna Marxuumka geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kahor inta aysan keenin gurigiisa oo ku yaalla xaafada Baar Ha’idhaafin, Waaxda Hanti-wadaag ee degmada Waaberi

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]