3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka Argagixisada

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Somalia, Mauritania, Tunisia, Yemen and Libya, wuxuuna kala hadlay xaaladaha dalalkooda ku saabsan.

Wasiiradan ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay shirka Sideedaad ee madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

Kulanka dhexmaray Wasiiradaha Arrimaha Dibadda Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa Wasiir Wang Yi u sharaxay Hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ugu dambeyn balan qaaday xukuumadda Shiinaha in ay xoojin doonto xiriirka ka dhaxeeya labada dal, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan la dagaalanka Argagixisada.

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa shirkii uu ka qeyb galay oo uu khudbad ka jeediyay ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhexmaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/12/2018 1:50 PM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL ) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo munaasabadii furitaankana uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka qaranka Maxamed Sheekh Mursal iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre.

7/12/2018 10:32 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

7/12/2018 8:27 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqo gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

7/12/2018 7:54 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub.

7/12/2018 6:54 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lagula eegtay ciidamada AMISOM xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

7/12/2018 3:47 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u doortay Donald Yamamoto in uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo badallaya safiirkii hore Stephen Schwartz..

7/12/2018 2:08 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Maanta oo kale 12kii July, sanadkii 1993dii, 25 Sano ka hor ayeey ku beegan markii diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka duqeyn ku dileen 73 Qof ku guri ku yaala magaalada Muqdisho.

7/12/2018 1:03 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland,Maxamuud Yaasin Axmed (Tumay) ayaa isagoo ka hadlayay munaasabad lugu qabtay xarunta gobolka Mudug wuxuu soo bandhigey qorshe cusub oo u sheegay in lugu doonayo siddii magaalada Gaalkacyo ay ku noqon lahayd magaalada ugu xasilloon dalka.

7/12/2018 12:57 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

7/12/2018 12:48 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

7/12/2018 12:42 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo ciidamada amniga ee Yemen ee Imaaraadka xulufada la ah inay geysteen dambiyo dagaal, iyaga oo lagu eedeeyey inay jirdileen dad ku jiray xabsiyo qarsoodi oo ka jira dhammaan koonfurta Yemen.

7/12/2018 12:38 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)– Ismaamulka Soomaalida ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in laga sii daayay xabsiga Jeel Ogaadeenaya ee magaalada Jigjiga maxaabiis kale oo aad u badan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.