3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Adeegyada muhiimka ah ee bulshada oo laga mamnuucay guryaha aan sharciyeeysnayn ee Kismaayo
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wareegto kasoo baxday gudiga dhulka Jubbaland ayaa guud ahaan guryaha aan sharciyeysnayn ee magaalada Kismaayo looga mamnuucay helitaanka adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

Warqad kasoo baxday gudiga ayaa lagu amray shirkadaha bixiya adeegyadaasi in ayan siin guryaha aan lahayn sharciga adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

Guryaha adeegyadaasi loo ogolyahay ayaa ah guryaha ay sharciyeeysay dowladdii AUN Max'ed Siyaad Barre, wixii ka danbeeyayna ma uusan jirin nidaam shuruuc u dajiyay guryaha.

Gudiga ayaa sheegay in ay fureen xafiis qaabilsan sharciyeynta guryaha, ayadoo mulkiilayaasha guryaha aaan sharciyeeysnayn lagu amray in ugu danbeyn 10-ka bisha Aug, ee sanadkan ay sharciyeystaan guryahooda.

Magaalada Kismaayo oo xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee dalka ka koobnayd ilaa afar xaafadood ayaa haatan waxaa ay mareeysaa ilaa shan xaafadood oo aad u fiday, ayadoo sidoo kale dhawaan xaafad cusub oo lagu magacaabo "New Kismaayo", laga hirgeliyay duleedka galbeed ee  magaalada taa oo ay ku noolyihiin qoysaskii kasoo laabtay xerooyinka Dhadhaab iyo Barakacayaal.






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo-Soomaaliya.












Click here
7/11/2018 12:40 PM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka.

7/11/2018 10:23 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa ka soo saaray go’aanna lagu xoojinayo amniga,islamarkaana deegaanka laga dhigayo meel nab doon.

7/11/2018 8:16 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

7/11/2018 8:02 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen damaca Itoobiya.

7/11/2018 7:57 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

7/11/2018 2:29 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Xildhbaaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka horgeyn doonaan cabasho ka dhan ah tacadiyada ka jirta Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

7/11/2018 1:43 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku raadjooga darawalkii watay gaari yar oo kuwa raaxada ah oo Labo Carruur ah ku dilay subaxnimadii hore ee saakay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

7/11/2018 12:39 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.

7/11/2018 12:25 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ayaa saldhigga howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidamada xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalka Brigadier Gen. Matteo Spreafico iyo Gen. Pietro Addis oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dar-dargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.