Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Beijing
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed
Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga
Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka
Shiinaha.
Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida
maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay Dalka Shiinaha, isagoo sheegay in shirkan
uu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada shaqeynya Dowlada Shiinaha iyo Wadamada
Carabta.
“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa dowlada iyo dadka
Shiinaha sida wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyeen, shirkan wuxuu ka mid yahay
shirarka Iskaashiga ee xoojinaaya Saaxibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeysa
Shiinaha iyo dowladaha Carabta, wuxuuna xoojinayaa kalsoonida siyaasadeed iyo
iskaashiga wada jirka ah ee dhinac walba si loo helo deganaasho Nabadeed iyo
Hormarka dhanka dhaqaalaha ee bulshada labada shacab”. ayuu yiri Wasiirka.
Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob
muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in xiriir taariikhi ah
uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.
“Soomaliaya waxaa ay dhacdaa goob muhiim ah oo istiraatiiji u ah caalamka
iyo isku gooshida dhanka ganacsiga, waxayna la leedahay dowladda Shiinaha
xiriiir taarikhi ah oo qoto dheer kuna dhisan Ixtiraam, sidoo kale Soomaliya
waxay ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee xiriir wada shaqeyn la sameeya
Shiinaha, iyadoo ka qeyb qaadatay sidii ay dowladda Shiinaha kaalin weyn ugu
yeelan laheyd Caalamka, waxaa ayna Soomaaliya ka qeyb qaadatay sida Shiinaha
Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen kursigooda sharciga ah” ayuu yiri wasiirka
Arrimaha dibada Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada ayaa dalalka ka soo qeyb galay shirka u
sharaxay hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in Isbedelo guul ah
laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo aiyaasadda.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi
Jinping iyo qaar ka mid ah Wasiirada Carabta ee Shirka ka qeyb galay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]