Minnesota, Xus loo Sameeyay dadkii ku dhintay waxyeeladii Muqdisho 14 Oktoobar.Video
Talaado, Octobar,17, 2017
(HOL)-Kulankaan
oo ay soo qabanqaabisay Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka
Wakiilada ee Gobalka Minneosta ayaa ahaa mid looguna duceynayay dadkii ku
dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maaalintii sabtida ka dhacay magaalada
Muqdishu
Kulanka
ayaa waxaa ka soo qeyb galay Keith Ellison oo ah mudane ka tirsan Golaha
Cogresska ee dalka Mareykanka, lagana doorto gobolka Minneosta, xubno ka tirsan
Aqalka Wakiilada ee gobalka MN, Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges, iyo
dhamaan dadka kala duwan ee dagan Minnesota.
Mr.
Keith ayaa yiri inkasta oo aan rumeysa nahay haddii aan Muslimiin nahay in
qof kastaa uu geeriyoonayo hadana dadkii faraha badnaa ee lagu laayay
qaraxii murugada lahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uu
ahaa mid aan aad uga xumaanay, Keith Ellison ayaa sheegay in kuwii ka danbeeyay
Qaraxa ay u jeedadoodu ay aheyd in ay bulshada cabsi ku beeraan, balse ay
muhiim tahay in aanan fursad loo siin in laga cabsado falalkooda argagixisanimo,Soomaaliyana
umaistaagayso waxii dhacay waayo waxay hore ugu soo adkaysatay Abaaro iyo
colaado ka horeeyay, wayna si taagnaan doontaa.
Duqa
Magaaladda Betsy Hodges ayaa sheegtay inay la qaybsanayso muragada iyo xanuunka
dadka Soomaaliyeed ee dagan Minnesota iyo Minneapolis,waxaa loo baahan yahay in
la garab istaago dhibanayaasha ayey tiri Betsy.
Qaraxii
sabtida oo ay ku dhinteen dad gaaraya 281 qof, tiro intaa ka badanna ay ku
dhaawacmeen, ayaa gobalka Minnesota si dhow looga dareemay, ka idb markii la
xaqiijiyay in dadkaasi uu jiray Axmed Ciyoow oo ka mid ahaa jaaliyadda
Soomaaliyeed ee mudada degenaa gobalka ..
Mas’uuliyiintii
iyo bulshadii goobta isugu yimid ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii ee
Sabtidii, waxaana Xildhibaan Ihaan Cumar oo la hadleysay HOL ay sheegtay in ay
la murugooneyso guud ahaan umadda Soomaaliyeed khaasatan dadkii ay masiibada
qaraxu saameysay,waxaana diyaar u nahay inaan caawino dadkaas .
Siyad
Said Salah
Hiiraan
Online
Minneapolis,MN