4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo la dardaarmay musharaxiinta, guddida doorashooyinka iyo masuuliyiinta ay doorashaddu khuseyso

 

Talaado, Octobar,17,  2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan la yeeshay gudidda doorashooyinka, saddexda musharaxiin, gudoomiyeyaasha guurtidda iyo Wakiiladda iyo lataliyeyaasha ciidamadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa talooyin iyo dardaaran siiyey hay’adaha ay khuseyso doorashooyinku, waxaanu ku baaqay in nabadgalyadda la adkeeyo oo xisbigii guul daraysta aanu dhibaato iyo khalkhal ku dhex abuurin bulshadda.

“Doorashada aynu dhawaan u dareerayno idam Eebbe, waxay mustaqbalkeena ku leedahay saamayn weyn. Anigu Madaxweyne ahaan, markaan eego Baraaruga Bulshada, iyo Bisaylka Musharixiinta Baratamaysa, wax war-war ah ma qabo. Hase-yeeshee, waxaan jecelahay in aan dhammaan, halkan idiinka soo jeediyo, hadallo duco iyo dardaaran ah, taas oo ah, ujeedada aan idiin marti-qaaday caawa.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Waxa uu ku dardaarmay “Waa in aad dhawrtaan, Shuruucda iyo Xeerarka Nidaamka Doorashooyinka dalka. Sidoo kale, waxa waajib idinku ah, in aad u dhaga-nuglaataan, talooyinka, tilmaamaha iyo amarrada Guddida Doorashooyinka Qaranka, ee garsoorka idiin ah.

Duco-qabayaal, waxaan idin leeyahay "LAFAHA GURA, XARAGANA HAKA TAGINA".

2) Sidoo kale, waxa idinla gudboon, in aad taageerayaashiina ku wacyi-gelisaan, in ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka doorashada, isla markaana ay ka fogaadaan cunfiga, iyo wax kasta oo nabadgelyo darro abuuri kara.

3) Waa in aynu dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah muwaadiniinta Somaliland iyo musharixiinta hortayda fadhiya, in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.

4) Hore ayaa loo yidhi "GUULI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO". Sidaa darteed, Kursigan aan ku fadhiyo, ma qaado laba iyo saddex nin toona, ee dalkan waxa Madaxweyne ka noqonaya Nin qudha. Sidoo kale, waxa ku-xigeen ka noqonaya hal Nin.”.

“Ma aha, guuldarada siyaasaddu, in doorashada lagaaga adkaado, balse waxa guul darro iyo garaad xumo ah, in aad ku gacan-saydho go'aanka Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare.

Waad xasuusan tihiin, in aan kaga tegay Kursi Madaxweynenimo bishii April, 2003-gii Siddeetan Cod, oo muran ku jiray. Waxaan u tudhay shacbigayga iyo sharaftayda, kuma khasaarin, ee taasi waxay ii goysay, in aan isla Kursigii ku helo boqolkiiba konton codadkii codbixiyaasha dalka.

Waxaan bogaadinayaa Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynihii Hore, ee aqbalay natiijadii doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 2010-kii, ee hogaanka dalka la iigu doortay, isla markaana xilkii qaranka iigu wareejiyey si sharaf iyo qadarin leh.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane, Faysal Cali Wareebe, oo isna aqbalay natiijadii doorashada. Guddoomiye Faysal, waa waayo-arag, waxaanan ku amaanaya inuu aqbalay go'aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijadii 2003-gii, 2005-kii iyo 2010-kii. “ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mar uu la hadlayey guddida doorashooyinka waxa uu yidhi “Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa; DEDAAL, DUL-QAAD IYO DAACADNIMO.

WAXAAN UGA DIGAYAA GAR WEECSAN, IYO GUDDOON JILICSAN, OO AH GEERIDA GUDDI DHEX-DHEXAAD AH IYO HAY'ADAHA GARSOORKA.

Waxaan idiinku ducaynayaa, in ilaahay idin garab galo, xilkana idinku asturo.

Ugu dambayn, dhammaan ciidammada qaranka, waxaan ku bogaadinayaa, habeen iyo maalin heeganka ay ugu jiraan, difaaca iyo adkaynta Nabadgelyada dalkooda hooyo.”

Mar kale isagoo la dardaarmaya ciidamada qaranka waxa uu yidhi “Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa, in ay dedaalkooda laban laabaan xilligan, iyo in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan, cid kasta oo isku dayda, in ay fawdo iyo fad-qalallo ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa ka reebban, in ay ku dhex milmaan ololaha doorashada, iyo Xisbiyada intaba.”

Waxa kale oo uu fariin u diray shacabka Somaliland waxa uu yidhi “ Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay, musharixiintu xaq idiin kuma laha, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse waxay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod. Sidaa darteed, waxaan idiinku baaqayaa, in aad xil weyn iska saartaan, ilaalinta midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo qaranimada dalka.

Guntii iyo gabe-gebadii, anigoo munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.