4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Gargaar caalami ah oo ku qul qulaya caasimada Muqdisho

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaanada ee la dhigayo Isbitaalada Sudan, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas.

Diyaaradan ayaa waxa ka horeeyay dullimaad ka yimid dalka Mareykanka oo siday deeq dawo ah oo loogu talagalay dadka ay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa.


Sidoo kale shaley waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo caga dhigtay labo duulimaad oo ka kala yimid dalalka Turkiga iyo Jabuuti oo siday dhakhaatiir iyo gargaar dawo ah.

Qaraxii Zoobe ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa oo ku dhawaad muddo 10 sano ah ka dhacay caalamka, iyadoo tirada dhimashada ay ku dhawdahay 300 oo ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]