4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Bankiga Western Union oo markii ugu horeysay laga hergaliyay Soomaaliya

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Waa talaabo dhinaca Xawillaada iyo isku gudbinta lacagaha oo horay loo qaaday iyadoo Bankigan Western Union uu noqonayo Bankigii ugu horeeyay ee noociisa oo laga hergaliyo dalka Soomaaliya marka laga soo tago shirkadaha kale ee Xawaaladaha ka shaqeeya.

Bankiga oo ka howlgala dhamaan daafaha Aduunka ayaa markii ugu horeysay waxaa uu hadda si toos ah uga shaqo bilaabay magaalada Muqdisho oo laga hergaliyay labo xarumood oo waaweyn, kuwaa oo dadku si toos ah uga qaadan karaan lacagaha ay ugu soo diraan Eheladooda kala jooga dhamaan dunida daafaheeda.

Xarunta koowaad ee Bankiga ayaa laga hergaliyay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ah waddo aad u mashquul badan islamarkaana uu ka socdo ganacsi ballaaran, halka xarunta labaad ee Bankiga laga furay taallada Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne.

 

Soo diraha iyo qaataha lacagta xawaalada Bankiga Western Union ayaa looga baahan yahay sida ay Hiiraan Online u sheegeen maamulka Bankiga Aqoonsi ID Card, iyadoo hadda lacagaha ugu badan ee lagu soo dirayo Bankigan ay ka imanayaan dalalka USA, Canada, UK, France, Italy, Turkey, Denmark, Norway, Finland, Sweden, Netherlands, South Africa, Kenya, Egypt, UAE and Oman.

Bankigan ayaa sidoo kale ka howlgala inta badan wadamada ku yaala Qaarada Africa, gaar ahaan dowladdaha dariska la ah Soomaaliya, waxaana furitaanka Bankiga siweyn u soo dhaweeyay dadka reer Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]