Isniin, October, 16, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ka qarxay deegaan u dhexeeya degmada Balcad iyo Afgo0ye.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilaawday kadib markii ay xoogag ka tirsan Alshabaab ay fariisimo ka sameysteen deegaan ka xiga dhinaca galbeed ee degmada Balcad, taasoo keentay in ay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka.
Ciidamada weeraray fariisimaha Al-shabaab ay ka sameysteen galbeedka degmada Balcad ayaa waxaa hogaaminaya Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Cabdullaahi Caanood
Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay si buuxda u maamulayay deegaano u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in baabuurta u kala gooshta labada dhinac ay baaritaano ku sameynayaan
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]