4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay dadka Eheladooda ka maqan raadinaya

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Somaaliya ayaa maanta booqday xarunta Gurmad Qaran oo loogu talagalay samatabixinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii bishan.

Xarunta waxaa yaalla talleefoono gaar ah loogu talagalay in ay soo wacaan dadka wali baadigoobaya Eheladooda ka maqan si gacan looga siiyo, waxaana uu madaxweynuhu ka jawaabay talleefoonno dhowr ah oo ay soo direen dad shacab ah oo baadigoob ku haya dad ka maqan oo lagu la yahay Qaraxa.

Madaxweynaha ayaa ka qoray dadka soo wactamayay magacyada dadka ay raadinayaan si loogu baafiyo hab Online ah iyadoo la adeegsanayo Aalada Internet-ka.

Boogagga ay dadku ku wada xiriiraan ee Internet –ka waxaa buux dhaafiyay sawirrada dad u badan dhalinyaro oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn meel ay ku danbeeyeen, waxaana ay qoysaskan dadka ka codsanayaan in laga gacan siiyo sidii ay u heli lahaayeen.

Dhalinyarrada la baafinayo ayaa u badan kuwo halkaa ku lahaa goobo ganacsi, ardey Jaamacadeed iyo dad kale oo u war danbeysay iyaga oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]