4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Diyaarad cabsi soo wajahday iyada oo duulimaad ku jirta

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee AirAsia oo ku sii jeeday Indonesia ayaa ku qasbanaatay in ay dib ugu laabato Australia ka dib markii ay duuliyeyaashu sheegeen in ay cilad soo wajahday, sida ay saraakiisha garoomadu sheegeen.

Duulimaadkan oo magaciisu ahaa QZ535, ayaa ku sii jeeday jasiiradda Bali ee dalka Indonesia, waxayse dib u laabatay markii ay hawada ku sii jirtay 25 daqiiqo Axaddii.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus A320, oo ay saarnaayeen 151 ruux ayaa si nabad ah u dagtay garoonka diyaaradaha ee Perth Airport.

Shirkadda diyaaradaha ee AirAsia ayaa sheegtay in duulimaadka ay soo wajahday "cilad farsamo".

Muuqaal laga duubay diyaarad oo ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa muujinaysa qalabka lagu neefsado oo diyaaradda ka laadlaada iyo qof rakaab ah oo qaylyaya.

War qoraal ah oo ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay "in ay ka go'antahay" ammaanka rakaabkooda. Balse faahfaahin kama aysan bixinin ciladda soo wajahday diyaaradda.

Xigashada Warkan : BBC