4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Dhalinyaro qaab Online ah uga qeybqaadaneysa baafinta dadka wali warkooda la la’yahay Nolal iyo Gaari

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Mashaqadii ka dhacday 14kii bishan Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay in wali qoysaska qaar raadinayaan dad ay Ehel iyo qaraabo dhaw yihiin oo aan war iyo wacaal loo heynin halkii ay ku danbeeyeen.

Haddaba dhalinyaro iskood isku abaabushay ayaa abuuray Bog cusub oo Online –ka ah oo la dhigayo muuqaalada ama sawirrada dadka la la’yahay iyo magacyadooda kuwaa oo qoysaskooda ugu war danbeysay iyaga oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe ka hor inta uusan qaraxu dhicin.

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa wali waxaa yaala meydadka  dad la garan la’yahay kuwaa oo xitaa ay ku adag tahay ehelada baadigoobka ku jira in ay gartaan wajiyadooda dadkaa dhintay.

Dadka ku dhintay Qaraxii Sabtidii aynu soo dhaafnay ka dhacay Muqdisho ayaa isugu jira dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]