Diyaarad ku dhacday biyaha badda Ivory Coast
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Diyaarad ayaa ku burburtay badda Ivory
Coast waxyar un kaddib markii ay ka kacday gagida caalamiga ah ee diyaaradaha
ee magaalada Abidjan, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dhowr qof ay dhinteen
kuwo kalana ay dhaawacmeen.
Waxa ay aheyd diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo shixnd u sidday milateriga
Faransiiska, ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa xogtaas u sheegay bar-ta
maxalliga ah ee Koaci.
Wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradda laga leeyahay Ukraine ama Ruushka.
Roob mahiigaan ah ayaa sababay in diyaaraddu ay soo dhacdo iyadoo
burburkeeduna uu ku soo caariyay meel u dhaw xeebta Port-Bouët.
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, sida uu qof goobjooge ah u sheegay
wakaaladda wararka ee Reuters.
Kooxaha badbaadada ayaa diyaaradda ka soo bixiyay laba qof oo mayd ah halka
laba mayd oo kale lagu dhex arki karo burburka, wakaaladda ayaa sheegtay.
Wararka kle ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha
diyaaradda ay badbaadeen.
Xigashada Warka BBC
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]