3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Puntland oo faah faahin ka bixisay siyaasiyiin lagu xiray Garoowe

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay siyaasiyiin lagu xiray magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay shaqsiyaadka la xiray baalmareen sharciga iyo dastuurka Puntland islamarkaana sameysteen sida uu hadalka u dhigay madal ama Urur aan meelna ka waafaqsaneyn sida uu hadalka u yiri dastuurka iyo sharciga dowlad gobolleedka Puntland.

Siyaasiyiinta iyo ganacsatada la xirey ayaa waxaa ka mid ah C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne),Daahir Ciiro iyo Feysal Faarax Cali oo dhamaan horay xilal ugaga soo qabtay dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland waxana ay ka soo horjeesteen shirka Kismaayo.

Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ayaa sheegay in siyaasiyiintan la horkeeno doono sharciga, cid kasta oo ka hortimaada sharciga iyo dastuurka Puntland na talaabo laga qaadi doono.

‘’Dadkan la xirxiray Annigu siyaasiyiin in ay ahaayeen uma arko, waxey ahaayeen dad nabad-galyo qalqal ku ah, cid kasta oo tallaabo noocaas ah qaadana sharciga ayaa la horgeynayaa’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nuugaal.

Maamulka Puntland ayaa wajahaya culeys uga imanaya siyaasiyiin ka biyo diidan habka hogaaminta madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/14/2017 3:54 PM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL)–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo tagay halka uu ka dhacay Qaraxii xoogaana ee gil-gilay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.

10/14/2017 9:15 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL)–Iyadoo wali ay adag tahay in dhab ahaan la ogaado tirada ramiga ah dadka ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay hadda kor u sii dhaafeyso 30 ruux

10/14/2017 8:47 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Qarax oo ahaa mid siweyn looga dareemay caasimada ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

10/14/2017 8:22 AM EST
Sabti, Octobar,14, 2017 (HOL)- Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare, Faysal Xiis Cilmi, ayaa shaaciyay inay sagaal eedaysane ay u hayaan afar bas oo dhawaan lagu gubay magaalada Hargeysa oo la garan waayey cid gubtay, iyadoo gubanaya uun la arkay.

10/14/2017 7:52 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Diyaarad ayaa ku burburtay badda Ivory Coast waxyar un kaddib markii ay ka kacday gagida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Abidjan, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dhowr qof ay dhinteen kuwo kalana ay dhaawacmeen.

10/14/2017 7:30 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay heshiiska maxaabiis isu celinta ee dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya, kaasoo ay soo saxiixday Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

10/14/2017 7:24 AM EST
Sabti, Octobar,14, 2017 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay saldhiga Militari ee Turkigu ka dhistay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay sheegay in saldhigaasi khatar ku yahay geeska afrika.

10/14/2017 5:55 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha kaddib markii ay halkaa isaga baxeen ciidamadii dowladda.

10/14/2017 3:50 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) -- Shan arday iyo nin waardiye ahaa ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto Koonfurta Suudaan sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Kenya.

10/14/2017 1:47 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay isaga baxeen deegaanka Barriire re ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

10/14/2017 1:27 AM EST
Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Xildhibaannada gollaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay manta yeeshaan fadhigoodii caadiga ahaa kaa looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiisyo dowladdu gashay.