4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Faah faahin ku saabsan is rasaaseyn khasaare sababtay oo xalay ka dhacday degmada Dherkeenley

 

Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxaa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir.

Is rasaaseyntan ayaa waxaa ay u dhaxeysay ciidamada xasilinta iyo ciidamo kale oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, oo khasaare geystay.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kaddib markii ciidanka Xasilinta oo halkaasi Howlgal ka waday ay ku amreen Ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.

Inta la ogyahay laba qof oo uu ka mid yahay wiilka Arooska ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ciidanka xasilinta oo xalay howlgal ka waday degmada Dharkeynley ayaa soo qab qabtay boqolaal dad ah, oo u badan dhalinyaro, waxaana dhacdadan aad u hadal hayaa shacabka ku nool degmadaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]