3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Soomaaliya oo soo ceshatay xuquuqda codeynta ee Urur caalami ah

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, kaddib markii wasaaraddu ku guuleysatay in ay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hasse ahaatee dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay inoo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay in ay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
10/12/2017 10:49 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhaw iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

10/12/2017 10:33 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in uu is casilay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay magacaabeen Taliye cusub oo bedela.

10/12/2017 4:43 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xubno ka tirsan gollahayaasha dowladda iyo ms’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu maamusayay maalinta calanka oo xalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Aadan Xaaji Yabaroow Wiish.

10/12/2017 2:42 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ku teedsan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

10/12/2017 2:36 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ra;iisal wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa u qabtay muddo shan maamood gudahooda in uu hogaamiyaha Catalonia ku kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale.

10/12/2017 2:30 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay.

10/12/2017 2:20 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadda shaqeyn iyo midnimo, waxaana warsxaafadeedka madaxweynuhu u muuqday mid lagu soo beegay kaddib shirka Kismaayo ugu soo dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

10/12/2017 2:10 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaradaha xukuumada Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusiyay maalinta calanka ayaa si kulul uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka.