4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

 


Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xubno ka tirsan gollahayaasha dowladda iyo ms’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu maamusayay maalinta calanka oo xalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Aadan Xaaji Yabaroow Wiish.

Munaasabadda oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen wasaradda dhalinyaradda iyo xayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil naafo ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan oo Khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in caawa ay tahay habeen aad ugu qiimo badan shucuubta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay wadajir shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Caawa oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda kaas oo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyahada Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah Astaan ka hadleysa Soomaaliweyn iyo Midnimo Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]