3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay wada shaqeyn iyo midnimo

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadda shaqeyn iyo midnimo, waxaana warsxaafadeedka madaxweynuhu u muuqday mid lagu soo beegay kaddib shirka Kismaayo ugu soo dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay mar walba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa war murtiyeed ay soo saareen kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan amniga, siyaasadda, federaaleynta, kheyraadka iyo arrimo ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/12/2017 10:49 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhaw iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

10/12/2017 10:33 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in uu is casilay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay magacaabeen Taliye cusub oo bedela.

10/12/2017 9:17 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, kaddib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

10/12/2017 4:43 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xubno ka tirsan gollahayaasha dowladda iyo ms’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu maamusayay maalinta calanka oo xalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Aadan Xaaji Yabaroow Wiish.

10/12/2017 2:42 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ku teedsan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

10/12/2017 2:36 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ra;iisal wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa u qabtay muddo shan maamood gudahooda in uu hogaamiyaha Catalonia ku kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale.

10/12/2017 2:30 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay.

10/12/2017 2:10 AM EST
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaradaha xukuumada Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusiyay maalinta calanka ayaa si kulul uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka.