3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2017
Gudidda doorashooyinka oo shaaciyey tiradda rasmiga ah ee codbixiyeyaasha Somaliland

 

Arbaco, Octobar,11 2017 (HOL) – Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey tiradda rasmiga ah ee iska diwaangalisay inay codbixin karaan, taas oo noqotay wadarta guud ee tiradda codbixiyeyaasha toddoba boqol , afar kun iyo sagaal iyo sdeetan qof (704,089).

Guddida doorashooyinka ayaa shaaciyey dadka iska diwaangaliyey degmooyinka iyo goboladda Somaliland ka kooban tahay, waxaanay kala yihiin lixda gobol ee ugu waaweyn sidan.

  1. Gobolka Awdal waxa iska diwaangaliyey 102,571
  2. Gobolka Maroodi Jeex dadka iska diwaangaliyey waxay noqotay 249,229 oo qof.
  3. Gobolka Saaxil isna waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 60,817 oo qof.
  4. Gobolka Togdheer waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 147,440 oo qof.
  5. Gobolka Sool waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 63,698 oo qof.
  6. Gobolka Sanaag waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 80,334 oo qof.

Wadarta Guud ee tiradda codbixiyeyaasha waxay tahay 704,089.

Doorashadda Somaliland ayaa lagu wadda inay dhacdo November 13-keedda,2017 oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 34 cisho.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
10/11/2017 5:31 PM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Waxaa maanta asbuucii labaad gashay dacwad-da loo haysto Cali Cumar Adeer oo tarjumaan u ahaa koox burcad badeed ah oo sanadkii 2008-dii afduubtay gabar wariye ah oo u dhalatay Canada laguna magacaabo Amanda Lindhout.

10/11/2017 9:01 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka oo ku beegneyd Shalay (09 October 2017) taasoo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

10/11/2017 7:01 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Shir wadatashi ah oo madaxda dowlad goboleedyada dalka maalmihii u danbeeyay uga socday magaalada Kismaayo ayaa maanta lasoo gabagabeeyay ayadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban

10/11/2017 3:17 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – In ka badan 1,550 qof ayaa u dhintay cudurka Daacuunka ee ka dillaacay gobollada Bariga iyo Koonfureed tan iyo bilowgii sanadkan, sida laga soo xigtay Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).

10/11/2017 3:05 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta.

10/11/2017 2:40 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deeaan u dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

10/11/2017 2:13 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan fatahaadda uu inta badan sameeyo Wabiga Shabeelle.

10/11/2017 2:03 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soo hagaagayo amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ay ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.