4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Dhimashada qaraxyadii Manchester oo sii korartay

 Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 59 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax weyn xalay ka dhacay goob uu ka socday bandhig faneed, oo ku taalla magaalada Manchester, ee dalka Ingiriiska.

Qaraxa ayaa dhacay wax yar kaddib markii ay dadka billaabeen inay kasoo baxaan xarunta Manchester Arena, xilligaas oo uu dhammaaday bandhigga ay sameyneysay fanaanada reer Mareykan ee Ariana Grande.

“Waxaan dhacdadan u tixgelineynay weerar argagixiso, waxaana rumeysanahay inuu fuliyey hal nin” waxaa sidaas yiri madaxa booliiska Manchester, Ian Hopkins.

Hopkins ayaa sheegay in baarayaasha ay rumeysan yihiin in qofka weerarka fuliyey uu xirnaa aalad qaraxda oo uu qarxiyey, islamakraana uu goobta ku naf waayey.

Booliiska ayaa hadda kala shaqeynaya saraakiisha sirdoonka iyo ka hortagga argagixisada inay helaan akhbaaraad dheeri ah oo ku saabsan qofka weerarka fuliyey, iyo hadii uu kaligiis ahaa ama ka tirsanaa shabkad.

Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka xarunta Manchester Arena oo qaada 21,000 oo qof markii ay dhammaatay xafladda.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]