4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Kenya oo xoojineysa amniga magaalada Mandera si looga foojignaado weerarada Al-shabaab

 Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah u direyso magaalada Mandera ee gobollka Waqooyi Bari si looga gaashaanto weerarada Al-shabaab ee bisha Ramadaan.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo ka hadlayay isku soo bax ka dhacay magaalada Mandera oo uu soo abaabulay xisbiga haya talada Kenya ee Jubilee ayaa waxaa uu ballan qaaday in dowladda Kenya ay ciidan dheeri ah u soo daadguraynayso magaalada Mandera.

“Dowladda waxay bilowday kordhinta amniga deegaanada Mandera,waxaan diyaar u nahay in aan shaqo galino 150 ciidammada booliis ah oo kayd ah bishan gudaheeda,sababtoo ah waxaan dooneynaa in aan sugno amniga deegaanada Mandera”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Al-shabaab ayaa weeraro aan kala joogsi lahayn ku qaaday magaalada Mandera iyo deegaanada hoos yimaada ee ku teedsan xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay laba jibaari doonaan weeraradooda marka la gudagalo bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalmo yar ay inaga xigaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]