4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Farmaajo iyo Donald Trump oo kulan ku yeeshay Magaalladda Riyaadh

 
Isniin, May, 22, 2017 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa magaalladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ahaa mid kooban, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

“Mudane Farmaajo  wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa. Mr Trump ayaa ballan qaaday in si buuxda ay Soomaaliya uga taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab”, sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka uu ka qaadan karo arrimaha uu ballan qaday, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Al Shabaab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqanaya dalka Israa'iil iyo dhulka Falastiin, kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu ku sugnaa Sacuudiga wuxuu madaxda dalalka Islaamka ku booriyay inay ka takhalusaan argagixisada oo ay ka saraan dalalkooda, isagoona arrintaasi ku tilmaamay inay tahay dagaal u dhaxeeya kuwa wanaaga jecel iyo sheydaanka, balse aysan aheyn dagaal u dhaxeeya diimaha kala duwan.

Sabtidii Mareykanka ayaa waddanka Sucuudiga la saxiixday heshiis ganacsi oo gaaraya $350 bilyan.


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia