4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Hogaamiyaasha Africa oo loogu baaqay in ay ku biiraan dagaalka ka dhan ah xagjirnimada

 
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha Muslimiinta ee Africa in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.

Rosa Malango, Isuduwaha Qaramada Midoobe ee dalka Ugnada, ayaa sheegtay haddii xagjirnimada aan si wanaagsan loo darsin, waxaa ay qatar ku tahay oo ay xakameyneysaa rajada horumarinta Africa ee labaatankii sano ee lasoo dhaafay, waxaana dhinaca kale ay sheegtay in ay kobci doonto Qaaradda mar kale.

Hadalkaasi ayaa waxaa ay ka jeedisay kulan hogaamiyaasha Muslimiinta iyo culimada bariga iyo koonfurta Afrika, ay isugu yimadeen, kaas oo ka dhacay dalka Uganada.

Waxaa ay dhinaca kale sheegtay in dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada si dhab ah looga wada qeyb-qaato.

Sheikh Shaban Mubajje, oo ah madaxa Muslimiinta ku nool dalka Uganda ayaa sheegay in mas’uuliyadooda ay tahay sidii ay Muslimiinta u bari lahaayeen Diinta Islaamka iyo xaqiiqooyinkeeda.

“Argixisada waxaa ay dilaan dadka rayid ah ah”, ayuu hadalkiisa uu siiraaciyay Sheikh.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia