3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2017
kulan wada-tashi ah oo ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta dalka oo maanta lagu qabtay Muqdishu

 

Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Maanta magaalladda Muqishu waxaa ka dhacay kulan uu ka qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yerow, kaas oo looga hadlayay horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay qabyo-qoraalka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Kulankan waxaa ka soo qeyb-galay in ka badan 20 qof oo ka wakiil ah Hay’adaha dawladda iyo shirkadaha ganacsiga ee ka shaqeeya Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana kulanka sidoo kale kamid ahaa kooxda ka shaqaysa xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya  ee wada hadalka Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka.

“Waxaa la marayaa waqtigii ugu habboonaa ee sharcigan la meel-marin lahaa sababtoo ah waxaan dhammaanteen isku raacnay in ganacsina uusan badbaadi karin sharci la’aan. Waa inaan ogaano in cid kasta ay danteeda ku jirta in la helo suuq sharci iyo nidaam leh ” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenku.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Ibraahim Yarow Isaaq, ayaa sheegay in wasaaraddu haatan marineyso heer gabagabo ah oo lagu ururinayo aragtida dhammaan daneeyeyaasha ka hor intaanan sharcigan loo gudbin Golaha Wasiirrada, ka dibna Golaha Shacabka.
Dhinaca kale Halkan Hoose ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saareen kooxda ka shaqaysa xeerka isgaarsiinta Soomaaliya ee wada hadalka u dhaxeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka ah.

Mogadishu, May 21, 2017 : Iyadoo la tixraacayo go’aamadii ay sida wadajirka ah iskugu afgarteen dowladda iyo ganacsatada gaarka ah ee shirkii lagu qabtay magalada London bishan ,waxaa la isla ogalaaday in shir lagu qabto Hotel Jazeera Place ee magaalada Mugadishu maalinta Axadda 21 May 2017-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka sheegay shirkii London in maamulkiisu uu qaadi doono talaabooyin lataaban karo oo lagu hormarinayo jawiga ganacsiga , Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda taas oo asaas u ah kobaca dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu intaasi raaciyey “Taasi waa sababta ay muhiim ah ugu noqotay dadkeenna in lahelo wada xaajood xukuumadda iyo ganacsiga gaarka ah si mustaqbalka loo gaarsiyo barwaaqo iyo nabadgalyo”.

Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Cabdi Canshuur Xasan, ayaa isagoo ka hadlaya munaasabad lagu soo gabagabaynayey siminaar afar maalmood socday oo kor loogu qaadayey tayada shaqaalaha wasaaradda qaybaha qandaraasyada iyo maaliyadda oo uu gacan kageystay maalgelintiisa Bangiga Adduunka qaybtiisa ka shaqaysa Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, ayaa waxaa uu wasiirku carabka ku adkeeyey , baahida loo qabo tayeynta iyo kor u qaadista dhanka Teknoollajiyadda.

Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray, in dhibaato ay ka jirto hirgelinta xeerka.

Isaga oo intaasi sii raaciyey “Waxaan u baahannahay in lahubiyo casharadii laga soo bartay howlihii hore loo soo qabtay si howshaan loogu fuliyo si xamaasad leh ”.

Waxaa shirka guddoomiyey Agaasimaha guud ee wasaradda Boostadda, Isgaarsinata iyo Teknoolajiyadda Mudane Axmed Daljir, waxana la shir gudoominaya Mudane Ali Adawe oo kasocda ganacsiga gaarka ah.

Waxaa gacan ka geystey Shirka kooxda ka shaqaysa Warbaahinta, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda oo uu horkacayo Lataliye Sare Cabdirashiid M. Cabdi oo ah oo qayb ka ah mashruuca dib u eegayo maalgashiga Soomaaliya ee Bangiga Adduunka.

Shirkadaha Isgaarsiinta Telfoonada gacanta ee Soomaaliya ayaa ah kuwo samaynaya horumar si joogto ah marka loo eego dhanka waddamada deriska ah sida Djibuuti, Ereteriya iyo Itoobiya oo iyagu xakameeya isticmaalayaasha telfoonada gacanta . Hasa-yeeshee xukuumadda iyo ganacsatada gaarka ah ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in lahelo sharciyo lagu xakameeyo isgaarsinta si kor loogu qaado kobaca ganacsiga.

Xasus: Tixraacan aad ku aragtid kor ayaa muujinaya sida dalalka kuxusan ay uga shaqeyaan Mobilka gacanta. ( Isha xogtaan) Bangiga Addunka warbinittisa 2016.

Tan ayaa ah fursad muhiim ah oo sare loogu qaadayo dhanka xeer u sameynta warbaahinta, isgaarsiinta iyo teknooliyadda, iyadoo ay qayb ka tahay xeerka Isgaarsiinta ee heer qaran ee Soomaaliya oo haatan gacanta lagu hayo.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid lagu falanqeeyey isbaddalada ay soo jeedisay qaybta warbaahinta, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ee Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, taas oo dib u eegid loogu samaynayey xeerka Isgaarsiinta dalka oo ay siwadajir ah u diyaarinayaan Dowladda iyo Ganacsiga gaarka ah, kaas oo lagu qorayo sharciga ku meelgaarka ah ee Isgaarsiinta, iyadoo looga gol leyahay in lagu abuuro sidii loogu guulaysan lahaa in lasameeyo jawi ganacsi oo suurta gal ah ee Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
5/21/2017 11:41 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaankaka lagu magacaabo Butaale oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo dad shacab ah ay ku dagaalameen deegaanka, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

5/21/2017 10:19 AM EST
Cabdi Warsame ayaa shalay ku guuleystay inuu noqdo musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee DFL ka uga qaybgalaya tartanka degmadda Lixaad ee magaalada Minneapolis.waxuuna helay nadijadii codbixinta 95%, halka musharaxii la tartamaayay uu helay 4%.

5/21/2017 8:55 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali iyo xog-hayaha gobolka Salaad Xassan Cabdi wadajir ah warbaahinta u la hadlay ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo beellood oo wada dega gobolka.

5/21/2017 8:44 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Madaxweeynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.

5/21/2017 6:06 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL)-Kulan lagu dhiirogalinayay dhalinyaradii isku taagtay gurmadka abaaraha Somalia isla markaana lagu Boggaadinayay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

5/21/2017 4:42 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Haweeney Maxkamadda ciidamada Qalabka Sidda ay sanadkii 2014 ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah ayaa maanta ku dhex geeryootay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

5/21/2017 4:14 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL)- Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr, Cali Khaliif Galeyr ayaa xalay soo gaaray magaaladda Hargeysa, waxaana uu ku soo degay Hoteelka Maansoor ee magaaladda.

5/21/2017 3:08 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) –Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aadan xildhibaannada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dhawaan kaga dhawaaqay madasha ay ugu yeereen “Hor u socod” taa oo bulshada Soomaaliyeed ay siyaabo kala duwan uga hadashay.

5/21/2017 2:35 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Ciidamada Badda ee wadamadda Libiya iyo Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad 5,000 oo muhaajiriin ah oo ku qaraqmay Badda Mediterranean sea ee u dhexeeysa labada wadan.

5/21/2017 2:16 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay magaalladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

5/21/2017 1:54 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay 39,390 oo Qaxooti cusub ah in ay gaareen dalka Itoobiy intii u dhexeysay 1-dii bishii Janaayo ilaa 15 Bishan May.