4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Maamulka G/Hiiraan oo si adag uga hadlay dil haweeen iyo carruur loogu geystay deegaan hoostaga gobolka Video

 

Axad, May, 21, 2017 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali iyo xog-hayaha gobolka Salaad Xassan Cabdi wadajir ah warbaahinta u la hadlay ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo beellood oo wada dega gobolka.

Sheekh Xusseen Cismaan Cali guddoomiye ku-xigeenka gobolka Hiiraan ayaa wax laga xishood oo fool xumo ah ku tilmaamay falkii maalintii shalay koox maleeshiyo ah ku dileen haween iyo carruur sida la sheegay isku qoys ah, kaa oo ka dhacay deegaanka Baar oo 30km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay waxgaradka labada beellood in ay ka fiirsadaan arimahan oo kale oo sida uu hadalka u dhigay ah kuwa aan la aqbali karin.

Sidoo kale, xog-hayaha maamulka gobolka Hiiraan Saalad Xassan Cabdi ayaa uga baaqay labada beellood in ay u turaan dadka shacabka ah ee dhibaateysan, isaga oo intaa ku darray in maamulka gobolka marnaba aqbali doonin dagaal danbe oo dhaca iyo dilka dadka rayidka.

Koox maleeshiyo ah ayaa maalintii shalay weerar ku qaaday dadka isku qoys ah oo ku noolaa deegaanka Baar ee gobolka Hiiraan iyaga oo halkaa ku dilay afar ruux haween iyo carruur ka koobnaa, kuwaa oo maanta lagu aasay magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]