3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2017
Cali Khaliif Galeyr oo xalay gaaray magaalada Hargeysa

 

Axad, May, 21, 2017 (HOL)- Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr, Cali Khaliif Galeyr ayaa xalay soo gaaray magaaladda Hargeysa, waxaana uu ku soo degay Hoteelka Maansoor ee magaaladda.

Safarka Cali Khaliif Galayr ayaan la sii ogayn isla markaana mar kaliya lagu arkay isagoo Hoteelka sii galaya, waxaana ahayd wakhti habeenimo ah oo dadku baddi aanay arkayn, balse dhawr ruux oo uu  agmaraysay markii uu Hoteelka sii galayay ayaa gartay oo ku dheg dhegay kadibna mar kaliya ku dhowaaqay waa Cali Khaliif Galayr, taas oo dadkii badnaa ee meesha joogay  indhahooga ku soo jeediyay, kuwaas oo salaam la boobay.

Cali Khaliif Galayr oo aanu isku daynay in aanu safarkiisa wax ka waydiinno waxaana loo sheegay in uu daalan yahay oo uu safar dheer ka yimid, isla markaana wakhtigan aanu hadli karin.

Xukuumadda si cad uma sheegin sababta uu Hargeysa u yimid, haseyeeshee wararka aanu helayno ayaa xusaya in uu Galaydh ku sii jeeddo magaaladda Nairobi oo uu doonayo in uu madaarka Hargeysa ka dhoofo. 

Cali Khaliif Galayr lama socon wax wefti kale marka laga reebo hal qof oo Boorsaddau siday iyo laba askari oo safarkiisa ku wehelinayey.

KHaatumo iyo Soomaaliland waxaa u socay wada hadal dhawr wareeg qaatay, hasse ahaatee  illaa hadda wax rasmiya laguma heshiin, waxaase heshiishka ka mid ah in la dhexmari karo,isla markaana dhinacna dhinac kale wax dhibaato ah u gaysan inta wada hadalka socdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
5/21/2017 12:29 PM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Maanta magaalladda Muqishu waxaa ka dhacay kulan uu ka qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yerow, kaas oo looga hadlayay horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay qabyo-qoraalka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

5/21/2017 11:41 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaankaka lagu magacaabo Butaale oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo dad shacab ah ay ku dagaalameen deegaanka, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

5/21/2017 10:19 AM EST
Cabdi Warsame ayaa shalay ku guuleystay inuu noqdo musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee DFL ka uga qaybgalaya tartanka degmadda Lixaad ee magaalada Minneapolis.waxuuna helay nadijadii codbixinta 95%, halka musharaxii la tartamaayay uu helay 4%.

5/21/2017 8:55 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali iyo xog-hayaha gobolka Salaad Xassan Cabdi wadajir ah warbaahinta u la hadlay ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo beellood oo wada dega gobolka.

5/21/2017 8:44 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Madaxweeynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.

5/21/2017 6:06 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL)-Kulan lagu dhiirogalinayay dhalinyaradii isku taagtay gurmadka abaaraha Somalia isla markaana lagu Boggaadinayay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

5/21/2017 4:42 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Haweeney Maxkamadda ciidamada Qalabka Sidda ay sanadkii 2014 ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah ayaa maanta ku dhex geeryootay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

5/21/2017 3:08 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) –Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aadan xildhibaannada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dhawaan kaga dhawaaqay madasha ay ugu yeereen “Hor u socod” taa oo bulshada Soomaaliyeed ay siyaabo kala duwan uga hadashay.

5/21/2017 2:35 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Ciidamada Badda ee wadamadda Libiya iyo Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad 5,000 oo muhaajiriin ah oo ku qaraqmay Badda Mediterranean sea ee u dhexeeysa labada wadan.

5/21/2017 2:16 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay magaalladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

5/21/2017 1:54 AM EST
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay 39,390 oo Qaxooti cusub ah in ay gaareen dalka Itoobiy intii u dhexeysay 1-dii bishii Janaayo ilaa 15 Bishan May.