4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2017
Ciidamada Badda ee wadamadda Libya iyo Talyaaniga oo badbaadiyay 5,000 oo tahriibayaal ah

 
Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Ciidamada Badda ee wadamadda Libiya iyo Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad 5,000 oo muhaajiriin ah oo ku qaraqmay Badda Mediterranean sea ee u dhexeeysa labada wadan.

Howlgalka badbadinta ayaa waxaa la qaaday maalmihii khamiista iyo Jimcaha, sida saraakiisha ciidamada Badda ay sheegeen.

Khamiistii lasoo dhaafay 2,900 oo muhaajiriin ah ayaa la badbaadiyay, kuwaas oo 2,300 oo kamid ah laga badbaaday biyaha caalamiga ah, waxaana loo qaaday dekad ku taalla dalka Talyaaniga.

Sidoo kale 580 kamid ah tahriibayaasha ayaa waxaa laga badbaadiyay biyaha dalka Liibiya waxaana dib loogu celiyay wadanka Liibiya ee waqooyga Qaaradda Africa.

Dhinaca kale, Jimcihii lasoo dhaafay ilaa aroornimadii Sabtida, waxaa la badbaadiyay 2,100 qof oo saarnaa 17 doomood oo kasoo baxay dalka Liibiya, waxaana hadda ay joogaan dalka Talyaaniga.

Qaar kamid ah dadkii lasoo badbadiyay ayaa sheegay intii ay joogeen dalka Liibiya in la adoonsan jiray, lana garaaci jiray subixii ilaa habeenkii, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ciidanka Police-ka dalka Liibiya waa ay na xiri jireen, koox-koox ayeey noo garaaci jireen, laba maalin ilaa saddex maalin waxba ma cuni jirin”, sidaasi waxaa yiri Issa Ibraahim oo 28 jir ah oo ka yimid koonfurta Gobolka Darfur ee dalka Sudan.

Ugu dambeyntii 5-ta kun ee laso badbaadiyay ayaa la sheegayaa in ay ka kala yimaadeen wadamo African ah, balse lama xaqiijin dalalka ay rasmiyan u kala dhasheyn.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia