3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wasiir waxbarashada oo kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga


Sabti, May, 20, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka wasaarrada waxbarashada, hidaha iyo tacalinta sare C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka ee Qaranka ee Shahaadiga dugsiyada sare.

Wasaaradda waxbarashadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay ama hirgalisay qaadista imtixanka dugsiga sare ee sanadka dugsiyaadka 2016-2017, waxaana imtixaanka uu ka dhacaya 77 xarumood oo ku kala yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo dugsiga 15 May ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqday ayaa bogaadiyay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayay in ay ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankan.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya , oo la hadlay ardayga galisa imxitaanka ayaa xusay in ay ardaydani ay tusaale u yihiin in dalku leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed u tahay horumarka dalka.

“Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 23 kun oo ardey ah u fariistaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar Beledweyne, Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/20/2017 12:39 PM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL) –Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan ayaa maanta magalaada Kismaayo ka daahfuray imtixaanaadka ugu danbeeya ee shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, ayadoo imtixnaadku ay maannta si rasmi ah uga biloowdeen inta badan gobollada dalka.

5/20/2017 9:58 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL) – Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.

5/20/2017 7:45 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)-Wasiir ku xigeenka wasaarad-da waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa maanta magaalada Bosaaso ku daah-furay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo galaaska sideedaad ee dugsiga dhexe.

5/20/2017 7:16 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada ayaa si rasmi ah magaalada Beledweyne uga daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee heer Qaran oo ay u fariisanayaan guud ahaanba dalka Soomaaliya 23kun oo ardeyda dugsiyada sare ah.

5/20/2017 6:39 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay halka tira kalana ay ku dhawacmeen kadib, markii iska hor imaad uu dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

5/20/2017 4:53 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa maanta gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya.

5/20/2017 4:04 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Madaxda howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa xaqiijiyay jimcihii shalay in Dowladda Zambia ciidamo Boolis ah ay u soo dirtay dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AMISOM.

5/20/2017 3:22 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- 11 qof oo ka kooban hal qoys ayaa ku dhintay Qarax miino oo jimcihii shalay ka dhacay wadanka Afgaanistan.

5/20/2017 3:04 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay howlgallo xooggan ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

5/20/2017 2:43 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” ayaa xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”.

5/20/2017 2:23 AM EST
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- 23-kun oo arday ah ayaa maanta u fariisatay Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.