4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2017
Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdishu

 
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay halka tira kalana ay ku dhawacmeen kadib, markii iska hor imaad uu dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa waxaa uu dhex maray ciidan ka wada tirsan Ilaaladda degaanka Xamar, waxaana dagaalka uu ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Askariga dhintay ayaa waxaa magiciisa lagu sheegay Nuur Calaa Nuur.

Maamulka degmada Dharkeynley, wali kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka, lamana oga waxa uu salka ku hayay dagaalka.

Xaaladda degmadda ayaa hadda degan, waxaana caadi kusoo noqday isku socodka dadka, waxana dib u furmay goobaha ganacsiga.

Maalmihii lasoo dhaafay iska hor imaadyada u dhexeeya ciidamada dowladda ka wada tirsan ayaa ka dhacayay magaalladda Muqdishu, waxaana inta badan uu khasaare kasoo gaaraa dadka rayidka ah.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco:-

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia