4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Guddoomiye Taabit: “Anniga shaqsiyan waxaa iga go’an xuquuqdii Gobolka Banaadir in aan dadaal u galo”

 

Jimco, May 19, 2017 (HOL) - Xaflad lagu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, ayaa shalay lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraaha Somaaliya Xasan Cali kheyre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaaliya Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur Sheekh Aadan (Madoobe), Axmed Diiriye Cali, Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Dowladda Somaaliya iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Taabit ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu kaga hadlay arrimo ku saabsan maqaamka Muqdisho waxaana uu yiri , “Anniga shaqsiyan waxaa iga go’an annigoo idinla tashanaya, tusaalana qaadanaya in xuquuqdii Gobolka Banaadir aan geed gaaban iyo mid dheer aan u fuuli doono".

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wixii cabasho ah iyo xuquuqda gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin in la helo, hase ahaatee ay waajib tahay in lala shaqeeyo Guddoomiyaha, ayuu yiri.

Dhinaca kale kasoo qeyb-galayaashii xafladda ayaa ugu baaqay in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka uu ka shaqeeyo amniga iyo horumarka Caasimadda Somaaliya ee Muqdisho.

6-dii bishii April ee sanadkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Farmaajo, ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Taabit Cabdi Maxamed.

Mudane Thabit, ayaa ka mid ahaa shaqaallaha Safaaradda Soomaalidda ee Dalka Mareykanka, ka hor inta aan la magacaabin.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia