4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
10 qof oo ku dhaawacmay gaari dad lagu dardarsiiyay magaalladda New York

 
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka 10 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari dad lagu dardarsiiyay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay inay qabteen ninkii waday gaarigaasi, sidoo kale waxaa ay xireen goobtii uu weerarka ka dhacayna, waxaana la geeyay boolis dheeraad ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku waranatay in 10 qof oo dhaawac ah lagu daweynayay goobta.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka weecday dhabaha gawaarida oo uu abaaray dhinaca dadka lugeynaya ay maraan. 
Booliska ayaa sheegay inay u muuqato in falkani uu yahay mid shil ah. Waxay tuhunsan yihiin in darawalka uu ku guuldarreystay xakameynta gaariga.

Dhinaca kale waxaa ay Booliska sheegeen in ay baarayaan, sababta keentay shilka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia