4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Taliska Maraykanka ee Africa oo sheegay in Daacish, Boko Xaraam iyo Al Shabaab ay Qatar ku yihiin Africa

 
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay Qatar ku yihiin wadamadda Africa.

Howlgalka Maraykanka ee Africa, ayaa darsa walaaca ammniga, Qatarta kooxaha argagixisada iyo howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha xiriirka la leh Daacish iyo Al Qaacida.

General Thomas Waldhuauser, ayaa dhawaan magaalladda Brussels kula kulmay madaxda difaaca ee Midowga Yurub, waxaana ay ka wada hadleen xaaladdaha wadamo kamid ah Qaaradda Africa, dhaq-dhaqaaqyadda kooxaha sida kooxda Daacish, Boko Haram iyo Al Shabaab, kuwaas oo hadda ka dagaalama Qaaradda Africa.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxahaasi ay wajahayaan dib-u-riixid military. Kooxaha ka dagaalama Africa waxaa ay Qatar xooggan ku yihiin Qaaradda, ayuu hadlkiisa sii raaciyay.

Horaantii bishan May, Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Muqdisho kula kulmay Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabaddu u xirnaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Taliyaha iyo Abaanduulaha XDS iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.

Ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in Kulnkaasi looga hadlay Tababarka iyo Qalabaynta Ciiddanka XDS iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia