3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta fulinta qorshaha 90-ka maalmood, Imtixaanada Dugsiyada sare iyo arrimo kale

 
Jimco, May,19, 2017 (HOL)- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga. Sidoo kale in maamulka G/Benadir uu bilaabay amarkii inaan baabuurta la dhiganin wadada Makka Al-Mukarama. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inay labo baabuur oo qarax siday laga hortagey, ayna socdaan dadaalo lagu baacsanayo kooxaha falalka amni-daro ka dhexfuliya bulshada dhexdooda.

Wasiirka Dhallinyarada ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan xuskii maalinta dhalinyarada iyo aasaaska SYL ee 15ka May, waxeyna sheegtay in xafladu si heer sare ah u dhacday, tanoo dhiirigelin weyn u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa u mahadcelisey dhammaan intii suurtogelisay in xafladu u dhacdo sidii loogu talogalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada diyaarinta sharciyada muhiimka u ah dowlad wanaaga iyo sidii ay xukuumadu u gudan laheyd waajibaadka loo igmaday. Wasiirada ayaa ka warbixiyey sharciyada ay diyaariyeen oo dhowaan golaha wasiirada la horgeyn doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa golaha uga warbixiyey go’aanadii ka soo baxay shirka London ee 11kii May 2017 iyo baahida deg-dega ah ee loogu baahanyahay in dabagal joogta ah lagu sameeyo dhaqangelinta go’aanadaas. Golaha ayaa u mahadceliyey Dowladda UK oo shirkaas soo abaabushay iyadoo shirku uu ahaa mid ay Soomaali la tagtey ajandaha iyo qoryshaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada.

Sidoo kale Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa laga dhageystay warbixino la xiriiro shirarkii gaar-gaarka ahaa ee London ka dhacay inta uu shirka socday. Shirkan London ayaa aad uga duwanaa shirarkii hore oo Madaxweynaha Soomaaaliya Mudane Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo cod iyo aragti mideysan ku tagay shirka, tanoo caalamku aad u ammaanay. Shirkan waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya iyo Caalamka ay wada fuliyaan go’aanada ka soo baxayo iyadoo la isla xisaabtamayo.

Wasiirka Waxbarashada ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirada ku aadan imtixaanka Dugsiyada Sare oo maalinta Sabtiga 20ka May ka bilaaban doona 77 xarumood ee Dowlad Goboleedyada GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo caasimada Muqdisho ee Gobolka Benadir oo 23,000 ardey ay u fariisanayaan imtixaanaadkaas.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimada nadaafada, sheegeyna in loo baahanyahay mas’uuliyiinta dalka inay door hoggaamineed ka qaateen si bulshada loogu horseedo inay bilicda dalkooda hagaajistaan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirada iyo dhammaan mas’uuliyiinta dalka inay waqtigooda u hurayaan inay waddooyinka nadiifiyaan bishiiba mar. Golaha Wasiirada ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo la yimid hinsidaha soo celinta bilicda caasimada Muqdisho.

DHAMAAD

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
5/19/2017 4:02 PM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL)Hawlgal ay wadeen ciidanka Booliska oo ay ku soo qabqabnayeen odayaal ka soo jeeda laba beelood oo caloaad xooglihi ku dhexmartay Koonfurta Gobolka Sool sanado badana soo noqnoqtay ayaa waxaa ka horyimi dabley difaacaysa odayaashaas.

5/19/2017 11:07 AM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen Soomaaliya.

5/19/2017 10:57 AM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku eedaysan dambiyo dagaal ayaan ka qaybgali doonin shirka ay leeyihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyeyaaasha Muslimiinta, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo xigatay saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

5/19/2017 9:03 AM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Xarunta madaxtooyadda Soomaaliland waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu ururinayo qaaraan lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

5/19/2017 6:56 AM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL) - Xaflad lagu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, ayaa shalay lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

5/19/2017 4:35 AM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaalka askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo horaantii bishii Janaayo sanadkii 2016ka ku qabteen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

5/19/2017 2:47 AM EST
Jimco, May 19, 2017 (HOL) -Tababar maalin socday oo ku saabsanaa barashada cudurka Boog-calooleedka (Peptic Ulcer Disease) ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka faa’iideystay boqolaal ka mid ah ardayda wax barata kuliyadaha Caafimaadka ee 12 Jaamacadood oo ku yaalla magaalada Muqddisho.

5/19/2017 1:34 AM EST
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa xalay ka da’ay magaallada Muqdishu.

5/19/2017 12:56 AM EST
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka 10 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari dad lagu dardarsiiyay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

5/19/2017 12:29 AM EST
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Booliska iyo sirdoonka dalka Kenya, ayaa baaraya dilka Dekow Sirat, oo ahaa madaxii deegaanka Omar Jillo ee Bariga magaalladda Mandheere ee waqooyi Bari dalka Kenya.

5/19/2017 12:19 AM EST
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay Qatar ku yihiin wadamadda Africa.