4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2017
Madaxweyne Farmaajo xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii hore ee Aadan Cabdulle Cismaan

 

Khamiis,May, 18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shaqada suray sawirka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] isaga oo faah faahin ka bixiyay sababta uu sidaa u sameeyay.

Madaxweynaha ayaa sawirkiisa ku badallay kan Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cadde , waxaana arrintan ay noqotay mid dad badan ay hadal hayeen, islamarkaana ku cusub xarunta madaxtooyada iyo xafiiska shaqo ee madaxweynaha.

“Markaan arkayo subax walba sawirkiisa, macnaheeda waxay tahay in lagu daydo oo dalkaan u gudbay dimoqraadiyad, runtii aan dooneyno in aan horumarino dimoqraadiyada, taariikhdna mar walba aan xusno, isna uu ka ahaa astaan wanaagsan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

In xafiiska madaxweynaha la suro sawirka madaxweynaha tallada haya ayaa ah  qodob dastuuri ah, gaar ahaan qodobka 87 Faqradiisa B, hasse ahaatee arintan ayuu madaxweynaha ku tilmaamay dhiiri-galin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]