4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Maxkamad ku taalla Itoobiya oo xukuntay 23 qof oo lala xiriiriyay Al Shabaab iyo Daacish

 
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ayaa xukuntay 23 qof oo lagu eedeyay in ay damacsanaayen in ay sameeyaan koox xiriir la leh Al shabaab.

23-ka qof ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ah, sida Maxkamadda ay sheegtay.

Maxkamadda Sare ee Federaalka dalka Itoobiya ayaa ku eedeysay 23-ka qof in ay qorsheynayeen in weeraro argagixiso ay ka fuliyaan gudaha Bariga Afrika.

Warbaahinta xiriirka la leh dowladda, ayaa dhinaca kale laga soo xigtay in saddex kamid ah dadka la xukumay ay qorsheynayeen in koox xiriir la leh Daacish ay aas-aasaan.

Warqadii dacwada ayaa waxaa ku qorneeyd in eedeysanayaasha ay qorteen shaqsiyaad una direen dalka Soomaaliya si ay tababaro ula soo qaataan Al Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al Qaacida.

Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah howlaglka Midowga Africa, kuwaas oo dagaal kula jira xarakadda Al Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia