3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Maamulka Shabeellaha Dhexe oo sheegay in ay qadeen 26 Isbaaro oo yaallay degaanno ka tirsan gobolka

 
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku guuleysteen in ay qadaaan Isbaarooyin yaallay degaanno ka tirsan gobolkaasi.

Maamulka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in ay qadeen ku dhowaad 26 Isbaaro, oo lacago sharci darra ah looga qaadi jiray gawaarida dad weynaha ee isticmaalaha waddooyinka isku xira Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan la dagaalami doonnaa cid kasta oo isbaarooyin sameysata, waxaan dhawaan ku safray degmada Warsheekh iyo degaanno hoostaga Gobolka”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha.

Mudane Makaraan, ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan howlgallo ay ka bilaabi doonaan waddada isku xirta Muqdishu iyo magaalladda Jowhar.

Shan maalmood ka hor, Xarunta taliska ciiidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa lagu soo bandhigay shan nin oo  ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen falalka dhaca ah.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed janaraal C/laahi Cali Caanood oo warfidiyeenka kula hadlay goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay amarkii madaxweynaha ee ahaa in lala dagaalamo ragga caadeystay in jidgooyooyinka dhigtaan waddooyinka.
Howlgaladan lagula dagaalamayo jidgooyooyinka oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka ayaa imaanaya xilli, dhowaan madaxwyenaha jamhuuiryada Soomaaliya uu ku amray taliska ciidanka xoogga in ay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ka soo yeeray oo arintaan ku aadan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia















Click here
5/18/2017 12:07 PM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shaqada suray madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] isaga oo faah faahin ka bixiyay sababta uu sidaa u sameeyay.

5/18/2017 11:51 AM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibanno la baxay madasha Horusocod ayeey ku beeniyeen in ay yihiin xildhibaanno mucaarad ku ah dowladda.

5/18/2017 8:19 AM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa beesha caalamka u soo jeediyey in Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta hubka.

5/18/2017 7:56 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 12-aad, ayaa la soo sheegayaa in ay hakiyeen isku socodka qeyb kamid ah waddada Warshadaha oo ku dhow Wasaaradda gashaandhigga.

5/18/2017 4:27 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir looga hadlayo horumarinta Maamulada kaga qeyb galaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kormeeray xaruumaha dowladda Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan sida ay u shaqeeyaan.

5/18/2017 4:15 AM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Dabaaldegyaddii la isugu soo bixi jiray e 18 Nay oo ah maalintii Somaliland ku dhowaaqday in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day, ayaa sanadkan loo bedelay maalin lagu ururiyo dhaqaale lagu taakuleeyo dadkii abaaruhu ku dhufteen.

5/18/2017 3:56 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ayaa xukuntay 23 qof oo lagu eedeyay in ay damacsanaayen in ay sameeyaan koox xiriir la leh Al shabaab.

5/18/2017 3:23 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada ka soo saaray awaamiir la xiriirta amniga iyo isticmaalka hubka sharci darrada ah.

5/18/2017 3:21 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Wasaaradda waxbarashada xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

5/18/2017 2:35 AM EST
Tirada guud ee caruurta laga helay cudurka jadeecada ayaa haatan waxa uu marayaa 63 oo 53 ka mid ahi ay Soomaali yihiin, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee gobalka.

5/18/2017 2:34 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay in uu waday gaari ku Qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.