3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Maxkamadda Ciidamada oo maanta xukun toogasha ah fulisay


Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay in uu waday gaari ku Qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Xasan.

Qaraxii Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ayaa waxaa uu dhacay 27-kii November 2016, waxaana ku dhintay ku dhowaad 15 qof halka tira intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen.

C/qaadir Cabdi, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, isla maalintii uu Qaraxa dhacay. 

Sidoo kale Qaraxii Suuqa waxaa uu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Dhinaca kale 12-kii Bishii April, Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay  dilkii toogashada ahaa ee  dhowaan Maxkamadda ciidamadda Puntland ay ku fulisay shan dhalinyaro  oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, islamarkaana maxkamaddu sheegtay inay ku heshay inay ka dambeeyeen dilkii Saraakiil ka tirsanaa maamulka Puntland.

Qoraalka ka soo baxay midowga Yurub waxaa si weyn loogu cambaareeyay falalka argagixisada iyo cidka kasta oo taageerta, hase yeeshee waxay tilmaameen  in xukunka dilka marnaba aheyn qaab ciqaabeed baajinaya falalka argagixisnimada ama fal-dambiyeedyada.

Midowga yurub waxay sheegeen inay ka go’antahay xoojinta nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo horumarinka dhaqanka sharciga iyo cadaallada, iyagoo ballanqaaday inay ka caawin doonaan  sidii maamulada Soomaalida ay u  joojin lahaayeen isticmaalka ciqaabta dilka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia
















Click here
5/18/2017 12:07 PM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shaqada suray madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] isaga oo faah faahin ka bixiyay sababta uu sidaa u sameeyay.

5/18/2017 11:51 AM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibanno la baxay madasha Horusocod ayeey ku beeniyeen in ay yihiin xildhibaanno mucaarad ku ah dowladda.

5/18/2017 8:19 AM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa beesha caalamka u soo jeediyey in Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta hubka.

5/18/2017 7:56 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 12-aad, ayaa la soo sheegayaa in ay hakiyeen isku socodka qeyb kamid ah waddada Warshadaha oo ku dhow Wasaaradda gashaandhigga.

5/18/2017 4:27 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir looga hadlayo horumarinta Maamulada kaga qeyb galaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kormeeray xaruumaha dowladda Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan sida ay u shaqeeyaan.

5/18/2017 4:15 AM EST
Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Dabaaldegyaddii la isugu soo bixi jiray e 18 Nay oo ah maalintii Somaliland ku dhowaaqday in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day, ayaa sanadkan loo bedelay maalin lagu ururiyo dhaqaale lagu taakuleeyo dadkii abaaruhu ku dhufteen.

5/18/2017 3:56 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ayaa xukuntay 23 qof oo lagu eedeyay in ay damacsanaayen in ay sameeyaan koox xiriir la leh Al shabaab.

5/18/2017 3:23 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada ka soo saaray awaamiir la xiriirta amniga iyo isticmaalka hubka sharci darrada ah.

5/18/2017 3:21 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Wasaaradda waxbarashada xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

5/18/2017 3:03 AM EST
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku guuleysteen in ay qadaaan Isbaarooyin yaallay degaanno ka tirsan gobolkaasi.

5/18/2017 2:35 AM EST
Tirada guud ee caruurta laga helay cudurka jadeecada ayaa haatan waxa uu marayaa 63 oo 53 ka mid ahi ay Soomaali yihiin, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee gobalka.