4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2017
Cudurka daacuun-calooleed-ka oo ka dilaacay qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya

 
Arbaco, May, 17, 2017 (HOL)– Abaarta sanadkan ku dhufatay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay barakicisay ku dhowaad nus million qof oo ka cararay guryahooda. 

Xanuunka daacuun-calooleed-ka ayaa ka dilaacay qeybo badan oo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya. Deegaannadda cudurka uu ka dilaacay qaar kamid ah ayaa waxaa maamula xarakadda Al Shabaab.

Isbitaalka Baydhabo oo ah xaruunta caafimaad ee ugu weyn ee ku taalla deegaannada maamulka Koonfur-galbeed, ayaa waxaa buux dhaafiyay bukaano badan oo la ildaran xanuuno ay kamid yihiin calool xanuun, matag iyo shuban-biyood.

Xanuunka daacuun-calooleed-ka, ayaa waxaa la xanuunsanaya ku dhowaad 40,000 tan iyo bishii December ee sanadkan.

Khamiistii lasoo dhaafay,  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahanyahay $900 million oo dollar oo dheeraad ah sanadkan, si loo kordhiyo kaalmada bani’aadanimadda ee dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii ka dhacay magaalladda London ee looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Natiijadda abaaraha dalka Soomaaliya ee sanadkan, ayaa waxaa ay dhalisay in ay adkaato helista biyo la cabo iyo caafimaad, waxaana u dheeraa dadka abaaraha ay saameyeen cudurro ay kamid yihiin shuban biyoodka.

Horaantii sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Bulshada Caalamka ka codsaday inay si deg deg ah uga jawaabaan musiibadan, si loo caawiyo qoysaska iyo shaqisyaadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia