4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Itoobiya oo Soomaaliland siisay dhisme ay ku shaqeyso safaaradeeda Addis Ababa

 

Arbaco, May, 17, 2017 (HOL)– Muuqaal lagu baahiyay barraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay dhisme diblumaasiyadeed oo dowladda Itoobiya ay ka siisay Soomaaliland xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Bole magaalada Addis Ababa.

Dhismahan ayaa wajigiisa hore waxaa ku xardhan Boor lagu qoray ‘’ The Republic Of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa’’ taasoo muujineysa sidda ay dowladda Itoobiya raali uga tahay gooni isku taaga maamulka Soomaaliland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in tallaabadan ay qaaday dowladda Itoobiya jawaab u tahay saamiga laga siiyay dakhliga kasoo xaroonaya dekadda Berbera, waxaana dowlada Itoobiya la siiyay saami dhan 19% dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda Berbera ee maamulkeeda lagu wareejiyay Shirkada DPWorld.

 

Dowladda Itoobiya ayaa dhinaca kale saaxiib dhaw la ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo dhawaan kulan magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya uga wada hadlleen xoojinta xiriira labada dal iyo in dowladda dhexe ee Soomaaliya looga danbeeyo arimaha la xiriira diblumaasiyada iyo siyaasada arrimaha dibada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]