4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Ciidamada dowladda oo howlgal dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay gobolka Hiiraan

Arbaco, May, 17, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda ayaa howlgal lagu soo qab qabtay tiro dad ah ka sameeyay deegaanno hoostaga degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Gaar ahaan ciidamada oo ku hubeysnaa gadiidka dagaalka ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanno hoostaga labada degmo, iyaga oo ku soo qab qabtay dad lagu tuhusan yahay in ay xiriir dhaw la leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in soo gaareen degaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jalalaqsi iyo sidoo kale Buulaburde oo aysan horay u joogin.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii degmada Jalalaqsi lagu xiray odayaal la sheegay in ay ka qeybgalleen munaasabad ay lahaayeen Al-shabaab oo ka dhacday deegaanka Buurweyn.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka ciidamada lagu soo qab qabtay ilaa saddeed ruux oo la tuhusan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]